Khasaaro ka dhashay Dagaal xoogan oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan hoostega degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan oo socday saacado ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay degaanka lagu magacaabo kaxan-dhaale oo hoostega degmada Balanbale ee Galgaduud, waxaana maleeshiyaadka hubeysan ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhacay, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, iyadoona dhaawacyada la gaarsiiyay Isbitaalo ku yaalla degmooyinka Balanbale iyo Guriceel.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed uu salka ku haayo arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo horey uga dhacay Galgaduud, waxaana goobihii lagu dagaalamay weli isku hor-fadhiya dhinacyada.

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku soo laab-laabtay dagaal beeleedyo salka ku haaya aano qabiil, iyadoona sanadkaan ay Goboladaas ka dhaceen dagaal beeleedyo geystay khasaaro farabadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor