Khasaaro ka dhashay  dagaal ka socda Magaalada Boosaaso

Dagaal Culus  ayaa ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana la maqlayaa dhawaqa  rasaas ay isku adeegsanayaan labada dhinac eek u dagaalamaya Boosaaso.

Dagaalka oo Saaka billowday ilaa haddana socda ayaa waxaa uu u dhexeeya Ciidan ka amar qaata Maadxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni iyo Ciidanka PSF ta Puntland.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinaya dad shacab ah oo ku dhaawacmay  dagaalka, kuwaasi oo loola cararayo Cusbitaalada waa weyn eek u yaalla Magaalada.

Sidoo kale dad shacab ah ayaa ka qaxay xaafadihii ay ku sugnaayeen, iyadoo xaalad cabsi ah ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool magaalada.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa haleelay Rasaas wiifto ah, waxaana dhaaacyo ay soo gaareen dad shacab ah oo guryahooda ku sugnaa.