Khasaaro ka dhashay Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo Maanta ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka Waajid, sidaasina uu ku dhacay dagaal muddo kooban socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana la xaqiijiyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 7 askari, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Toddobadan Askari ee ku dhintay dagaalka ayaa waxay 4 kamid ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda Federaalka, halka saddexda kalena laga dilay Al-shabaab, waxaana dadka deegaanka Waajid ay sheegeen in Meydadka shabaabka la geeyay degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo goobta lagu dagaalamay ee duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka ay ku sugan yihiin halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor