Khasaaraha ka dhashay Wasiir ka tirsan Jubbaland oo Gurigiisa la Qarxiyay

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii xalay fiidkii Qarax miino loogu xiray gurigiisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa lagu sii diyaariyay Qol k mid ah Guriga Wasiirka, waxaana si gaar ah loogu xiray qaraxa Qol ay degganyihiin ilaalada Wasiirka, waxaana ka dhashay Qaraxaasi Khasaare kaal duwan oo soo gaaray ilaalada Wasiirka.

Inta la xaqiijiyay Weerarkaasii ayaa waxaa ku geeriyooday saddex askari oo ka mid ahaa ilaaladii Wasiirka, waxaana la sheegaya in Lab aka mid ah ay yihiin walaalo.

Wasiir Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana oo aysan jirin wax dhib ah oo isaga kasoo gaaray weerarkaasi, marka laga reebo in Khasaaraha soo gaaray ilaaladiisa.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo Lagu Weeraray Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Cabdi Baaleey, waxaana soo badanaya weerarada iyo dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in habeenno ka hor mas’uul kale lagu Rasaaseeyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media