Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Kampaala

Ugu yaraan afar qof oo ay labo boolis yihiin ayaa ku dhintay labadii qarax ee mataanaha ee gilgilay caasimadda Uganda eeKampal, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Warbaahinta dowladda ee New Vision ayaa ku warrantay labo qof oo meyd ahaa lagu arkay goobtii uu qarax ka dhacay gaar ahaan meel u dhaw dhismaha baarlamaanka Uganda.

Labo sarkaal oo boolis ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar kale oo lala beegsaday saldhig boolis ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Urban Television.

Dhinaca kale, 27 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu daweynayaa cisbitaalka weyn ee ku yaalla caasimadda Kampala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor