Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan Qaraxaasi la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka lafoole ee duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqanno Shanta Golaha sare, waxaana la sheegay in Qaraaxaasi lagu aasay Maqaayad ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda iyo dad kaloo shacab ah.

Khasaare dhimasho iyo dhawaac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana a wararku sheegayan in ay ku dhinteen labo askari halka ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo shacab ah.

Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga Maqlay degaanka lafoole, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in uu qaraxu ahaa mid aad u xooggan.

Ciidanka Dowladda ayaa gaaray halka falku ka dhacay, waxana ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii qaraxaasi a dambeeyay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaasi, warar lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha Afka  Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Qaraaxasi ay Shabaab ka dambeeyeen, ayna la beegsadeen ciidanka Dowladda.

Inta abdan qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ka gaysta Al-shabaab, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartaa Askarta dowladda iyo dadka shacabka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media