Khamri badan oo si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaalo oo la qabtay

Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari xalay warbaahinta Magaalada Boosaaso ee ugu soo Bandhigay Khamri farabadan oo Ciidamada amniga ay ku soo qabteen, iyagoo Howgalo ku Jiray.

Saraakiisha Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen in Khamriga lasoo qabtay la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo Boosaaso, hayeeshee laamaha amniga ayaa ka hortegay.

Tirada Guud ee Khamrigaan oo ku jiray Kaartoono loo ekeesiyay Bagaashka Alaabta ayaa ahaa 108 dhalo, kuwaaas oo lagu soo sameeyay Wadanka Itoobiya.

Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u mahadceliyay in Ciidanka amniga ee gacanta kusoo dhigay Khamrigaas oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu geliyo Boosaaso.

Ugu dambeyntii Taliye Xuseen Cali Maxamed ayaa Ciidanka amniga Gobolka kula dardaarmay inay sii wadaan howlgalka looga hortego maanrooriyaha Khamriga, isagoo xusay in tallaabo adeg laga qaadi doono dadka ka ganacsada maandooriyahaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media