KGS oo kulan ka yeelatay qorshe lagu furayo waddooyin ay Go’doomiyeen Al-shabaab  

Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subug ayaa Guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo isku furista waddooyinka isku xira deegaanada maamulkaas oo ay Go’doomiyeen Al-shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana kulanka Warbixino looga dhageystay Saraakiisha amniga Maamulka.

Dhammaan Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay dardar-gelinta qorshaha xoreynta deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo in la adkeeyo ammaanka gaar ahaan kan Magaalada Baydhabo.

Shirka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ,Booliska ,Nabad Sugida,AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor