Kenya oo xaraasheysa diyaarado ay leedahay Dowladda Soomaaliya

Waaxda Garoomada dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xaraashi doonto 73 diyaaradood oo duug ah oo in muddo ah meel iska yaallay, kuwaas oo ay ku jiraan labo ka mid ah diyaaradihii Ciidamada Cirka Soomaaliya ah.

Waaxda KAA ayaa ugu baaqday dadka daneynaya inay iibsadaan diyaaradahan inay bishan dhexdeeda tagaan goobaha lagu soo bandhigayo.

Qaar ka mid ah hay’adaha diyaaradooda aan laga soo uruurin ee ku sugan garoomada KAA waxaa ka mid ah Somali Air Force, Jubba Airways, Jetlink, Skyward, Eagle Aviation, Prestige Aviation, Fly540, Pan Africa Airways, iyo Planes for Africa.

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Bayloot) oo BBC-da la hadlay ayaa u sheegay inaysan jirin cid ka soo wargelisay Soomaaliya.

“In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xaraashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhiidhay oo Kenya ahi ma ay jirin” ayaa uu yiri Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Bayloot).

Waxaa kale Janaraal Dable Baylood uu shegay in keliya hal diyaarad oo Soomaaliya lahayd ee halkaas ku sugan tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor