Kenya oo war kasoo saartay  go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Safiirkeeda

Dowladda Dalka Kenya ayaa ka jawaabtay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Safiirka Dowladda Kenya u Fadhiyay Soomaaliya Lucas Tumbo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan Kenya soo gaarsiin qooraal ama hadal kaasi oo Safiirka Kenya uu dalka uga baxayo, waxaana ay sheegtay Kenya  in aanay soo gaadhin warqad rasmiya oo uga timi Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyay Soomaaliya, kaasi oo lagu amray in uu dalkiisa ku laabto si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxdiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media