Kenya oo War kasoo saaray Go’aankii Dowladda Somalia ay xiriirka ugu jartay

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Go’aankii kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee saqdii dhexe ee xalay xiriirkii diblomaasiyadeed loogu jaray, xili maalmihii lasoo dhaafay xiriirka labada dal uu sii xumaanayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay fara-gelin siyaasadeed ku heysay Arrimaha siyaasadda dalka, isal markaana arrintaas dowladda ay u dul qaadan weyday, sidaasina xiriirka loogu jaray Kenya.

Afhayeen lagu magacaabo Cyrus Ogona oo u hadlay dowladda Kenya ayaa waxaa uu sheegay in aysan qaadi doonin tallaabo lamid ah tii dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay, ayna dooneynin inay ka aar-gutaan.

Sidoo kale Afhayeenka oo warbaahinta Maanta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu tilmaamay inay sameyn doonaan koox raadisa xal diblomaasiyadeed oo dhex mara Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan nahay ummad sareysa, ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, haddaan sidaa yeelno waxay u muuqaneysaa aar-gudasho, waxaan u ogolaan doonaan inay arrintan la wareegaan IGAD iyo Comesa”ayuu yiri Cyrus Ogona.

Dowladda Soomaliya ayaa habeen horey Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoona Dacwadaasna shir deg deg laga yeelanayo, kaasi oo 20-ka bishaan December ka dhici doona dalka Jabuuti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media