Militariga Kenya ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab, kaddib howlgal ammaan oo ay ka sameeyeen deegaannada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee degmada Lamu ee gobolka Xeebta.
Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in qaar kale ay baxsadeen, iyadoo howlgalkaas uu ka dhacay xadka Lamu iyo Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada difaaca Kenya ayaa intaas ku daray inay howlgallo dhowr ah ka wadaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Waxay sidoo kale sheegeen in dadkan la dilay iyagoo isku dayaya inay u soo gudbaan dhanka Kenya. Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar Alshabaab ka tirsan.
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr mar waxaa ay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo socdaal ku marayey deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalkaas, iyagoona waxyeelo kasoo gaartay weerarada..