Kenya oo shaacisay xilliga la saxiixayo hesiiska qaadka ay usoo dhoofiso Soomaaliya

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha Ogosto.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor