Kenya oo shaacisay in aysan aqoonsan doonin Go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda

Kenya ayaa sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kama,u ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarta Talaadada soo socota oo taariikhda ku beegan tahay 12-ka Bishaan Octoober 2021. Kenya ayaa mar sii horreysay sanadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda.

Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.

Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka Maxkamadda, isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague.

Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay Maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo “soo billowday 1969.”

Si kastaba dowladda Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo Maxkamadda ICJ, waxaana xusid mudan in Dacwada la dhageystay, iyada oo Kenya ka maqan tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor