Kenya oo qorsheyneysa tallaabo ku aadan isku socodka dalkooda iyo Somalia

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa sidii dadka Soomaaliyeed ugu fududeyn laheyd fiisaha dalka ku galka, si loo horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso fududeynta fiisaha dalka ku galka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas, ayna tixgelinayan socdaalka Soomaalida.

Sidoo kale Macharia ayaa tilmaamay inay ku qasban yihiin fududeynta tallaabadaas, si loo hormariyo isku socdka labada dal, sida oo kale dalalka Uganda, Itoobiya, Jabuuti iyo Turkiga oo si toos ah Shirkadahooda diyaaradaha duulimaadyo ku yimadan Muqdisho.

Dhinaca kale Xoghaye Secretary Macharia ayaa waxaa uu tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan dhibaato ku noqon doonin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhaxeeya labada dal.

Maalin kahor ayuu Xoghayaha  Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau iyo wafdi la socday socdaal ku yimideen Magaalada Muqdisho, iyagoona kulan la qaatay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka.

Xoghaye Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Kenya kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda mugdi galay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media