Kenya oo qaaday Qaar kamid ah xayiraadihii Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera laga bilaabo berito.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha sheegay in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in duulimaayada gudaha la furi doono 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.

Sidoo kale waxaa la ogolaaday in Masaajidda dib loo furo , isla markaana waxaa ku tukan kara 100 qof oo keliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media