Kenya oo Jabuuti kaga adkaatay loolankii kursiga Golaha Ammaanka ee QM

Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kenya oo laga doonayey inay hesho 128 waxay heshay 129, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62 cod.

Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, kadib markii dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyn loo qaaday.

Codeyntii shalay ayaa waxa ay Jabuuti heshay 78 cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin 128-ka cod ee loo baahnaa in la guuleysto, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale.

Waa markii saddexaad oo ay Kenya ku guuleysato kursiga, waxayna ku fadhin doontaa laba sano.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media