Kenya oo Digniin kasoo saartay weeraro qorsheysan oo laga cabsi qabo

Dagaalyahano la rumeysan  inay ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ka gudbeen xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana gudaha u galay dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in rag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, kuwaasi oo ay sheegeen inay doonayaan in weeraro kala duwan ay geystaan.

Booliska ayaa tilmaamay in xubno lagu qiyaasay 40 rag ay ka gudbeen xadka Soomaaliya, iyagoo xusay inay weeraro qorsheysan ka geysan karaan deegaanada Amuma iyo Hemey oo ka tirsan Gobolka Gaarisa.

Shacabka ayey Booliska u direen digniin ku aadan weerarada, isla markaana ka dalbaday inay feejignaan muujinaayan, sidoo kalena la shaqeeyaan laamaha amniga Kenya, ayna kusoo wargeliyaan markii ay dareeman khatar amni.

Al-shabaab ayaa horey weeraro kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga fulisay gudaha Kenya, waxaana xusid mudan in sidoo kale weeraro lagu qaaday gaadiid ku safrayay Gobolo ku yaalla gudaha dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media