Kenya oo amar Culus dul dhigaysa dadka isticmaala baraha bulshada ee ku faana nolosha raaxada leh

Githii Mburu oo ka tirsan Waaxda Cashuuraha Kenya ayaa sheegay inay hubin doonaan inay is leeyihiin qaab-nololeedkaaga iyo canshuurta aad bixiso.

“Baraha bulshada, waxaan ku aragnay dadka qaar oo ku soo bandhigaya waxyaabo fiican. Dadka qaa kabo qaali ah ayay soo dhigaan, guryo qaali ah, gawaari qaali iyo iyagoo qoysaskooda u kaxeynaya goobo dalxiis,” Mburu ayaa sidaas u sheegay Wargeyska Business Daily ee ka soo baxa Nairobi.

“Halkan iskama jiifno, markii aan kuwaas aragno, waxaan aragnaa canshuur.”

Wuxuu sheegay inay leeyihiin saraakiil si gaar ah ugu xil saaran wax ka qabashada dadka khiyaama canshuurta ee isticmaala baraha bulshada kala duwan sida Facebook, Instagram, snapchat iyo Twitter.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay caqabad ku noqon doonto dadka jecel inay baraha bulshada ku soo bandhigaan wax walba oo noloshooda ku saabsan.

Dadka qaar ayaa noloshooda ku faana iyagoo soo bandhigaya gawaari qaali ah, guryo waaweyn iyo hoteello waaweyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor