Kenya iyo Jabuuti oo Maanta ku tartamaya Kursiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay ku tartami doonaan Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo la wada sugayo Natiijada kasoo bixi doonta.

Codka ayaa waxaa uu qorshahu yahay inay dhiibtaan 193 waddan oo kamid ah Golaha Ammaanka Qaramada, iyadoona Kenya iyo Jabuuti midka kusoo baxa Codeynta uu kursigaas muhiimka heyn doono sano 2021-2022.

Kenya iyo Jabuuti ayaa midkood waxaa uu bedeli doonaa dalka Koonfur Afrika oo waqtiga ka sii dhamaanaya, waxaana labadaan Dal ay ku biiri doonaan dowladaha ku Cusub Golaha, waxaana kamid ah Mexico, India, iyo midkood Canada/Ireland/Norway.

Dhinaca kale Wargeysa The Africa Report ayaa qoray in Dowladda Kenya ay Jabuuti ka dalbatay inay ka tanaasusho u tartanka kursiga Golaha Ammaanka, hayeeshee Jabuuti ayaa arrintaas iska diiday.

Midowga Afrika ayaa isku raacay in Kenya ay matasho qaaradda, balse dowladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Codsigaas ku sharci darro ah, isla markaana Kenya ay tartan la geli doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media