Kenya: Boqolaal dagaalyahano ka tirsanaa Alshabaab iyo Daacish oo soo laabtay

Warbixin ka kooban 36 Bog oo loogu magac daray Sahanka Kenya ee Bulsho-dhaqaale” ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 700 dagaalyahanno Kenyan ah ku laabteen dalkooda hooyo, kadib, markii ay ka baxsadeen Xarakadda Alshabaab Somalia.

Warbixintaasi oo ay diyaariyeen Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga (IOM), Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa lagu sheegay in inta badan Dagaalyahannadda Kenyanka lala galay Wada-xaajood suurto-geliyey  si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo, waa sida lagu xusay Warbixintaas.

Dagaalyahanadaasi waxaa loo ballan-qaaday cafis si ay u soo laabtaan iyo in la siinayo Dhaqaale ay ku abuurtaan Nolol Cusub, waa sida lagu xusay Warbixintaas.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay Wareysiyo la yeesheen 185 ka mid ah Dagaalyahannadda dib u laabtay, kuwaasi oo ayda’dooda u dhexeyso 24 ilaa 34 jir ah.

Waxaa kaloo Warbixinta lagu xusay in 58% Dhallinyarradda Kenya ku biiray Alshabaab  ahaayeen Dad faa’ido weyn ku qabay Shaqooyinkoodii hore, halka 38% kalena ahaayeen Dhallinyarro aan shaqeynin.

Dhinaca kale, Warbixinta ay wada diyaariyeen Hay’adda IOM, Wasaaradda Arrimaha Kenya iyo Golaha Muslimiinta Kenya ayaa lagu sheegay in Dhallinyarro ee soo laabtay ay ku jireen kuwo dhaawacyo ka qabay madaxa, lugaha iyo qeybo kale.

© Radio Dalsan

Xigasho: The Star

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor