Kenya: Bandowgii Mandera oo la kordhiyey cabsi laga qabo Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inay kordhiyeen Bandowgii saarnaa magaalladda Mandera oo ku dhow Xuduudka ay Kenya la wadaagaan Somalia.

Qoraal lagu baahiyey Faafinta Rasmiga ee Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay inuu Bandowgaasi sii jiri doono ilaa laga gaarayo bisha June 28-da ee sannadkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya waxa uu sheegay in Tallaabadaasi looga dan leeyahay dadaalka ay Dowladda Kenyaa kaga hortagayso Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan W/bari ee dalkaasi.

Bandowga oo ka bilaabanayo 6:30 Maqribnimo ilaa 5:30 Aroorta hore ayaa waxa uu saamaynayaa Mandera iyo Deegaanadda Omaar Jiilo, Arabia, Lafey Kotulo, Ceel-waaq ilaa 20-KM ee Deegaanada k uteedsan Xuduudka Kenya iyo Somalia.

   

Dhinaca kale, Dadka Muslimiinta ku nool w/BARI Kenya ayaa codsaday in wax laga beddelo Xilliga Banowga oo haatan oggolayn in Salaadaha Maqribka iyo Csshaha lagu tukado Masaajidda Mandera iyo Deegaanadda u dhowdhow.

Dowladda Kenya waxay markii ugu horreysay Bandowga soo rogtay bishii October 27-dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Hotel ku yaalla Mandera, oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof, laguna dhaawacay 6 kale oo ka soo jeeda Qowmiyadaha kale ee Kenya degga.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media