Kalluumeysato Soomaali ah oo muddo shan bilood la la’aa oo la helay

Afar kalluumeysato Soomaali ah oo muddo shan bilood ah ku maqnaa badda ayaa shalay ka soo hadlay waddanka Sri Lanka, kaddib markii ay soo badbaadisay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas.

Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo ay raggaasi iyo doontooduba ka tirsan yihiin ayaa VOA u xaqjiiyay in nolol lagu helay raggan kalluumeysatada ahaa ee la la’aa.

Guddoomiye Kamaal ayaa sheegay in doon ay wateen kalluumeysatada Soomaalida ahaa ay ku luntay badda, xili ay socdeen dabeylo xoogan, ayna la’aayeen muddo ku dhow shan bilood, kuwaasi oo markii dambe kasoo hadlay Sri Lanka, iyagoona uu badbaadiyey markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas.

Waxaa uu sheegay Kamaal Maki in ragga la socday doonta ay is maareeyeen intii ay badda ku jireen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin Sri Lanka oo ay qorsheynayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Kamaal ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Magacyada kalluumeysatada oo ay ka dalbadeen in raggaas dib loogu celiyo dalka, hayeeshee dowladda ku wargelisay in Safaarad aysan ku laheyn Sri Lanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in weli badda uga maqan yihiin saddex doon oo nooca kalluumeysiga, balse dadkii la socday lasoo badbaadiyey, kadib markii ay qaateen dabeylo xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor