Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Somalia oo maanta ka furmaya Muqdisho

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhigaii ugu dambeeyayy ee muddo xileedka xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo munaasabadda lagu daahfurayo Kalfadhiga ugu dambeeya ee muddo xileedka golayaasha sharci dejinta halkaas oo khudbad uu ka jeedinayo madaxweynaha.

Dhinaca kalana guddoomiyeyaasha golaha Shacabka iyo aqalka sare ayaa iyana ka hadli doono waajibaadka iyo sharciyada hortebinta leh ee horyaalla sida Sharciga doorashooyinka aqanka iyo Maqaam us ameynta Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta siweyn lo adkeeyay gaar ahaana waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Janaraal Kaahiye oo in Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga baarlamaanka ay ka dhacdo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media