Justin Trude oo markii 3aad ku guuleystay doorashada Canada

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.

Waxaa dalkaas ka socotay tirinta codadka doorashada oo ay ku loollamayaan tiro xisbiyo ah oo raadinaya in ay helaan xildhibaano ku filan dhanka baaralamaanka si ay u hoggaamiyaan dalkaasi sannadaha soo socda.

Waa markii saddexaad ee Trudeau uu ku guuleysta doorashada federaalka balse dhaleeceeya waxay sheegayaan in doorashadan wakhtiga lagu lumiya uun.

Xisbiga uu hoggaamiyo Justun Trudeau ee Liberalka ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee ka dhacda dalkaas wuxuu helay 156 kamid ah kuraasta baarlamaanka dalkaas.

Halka xisbiga mucaaradka Canada uu helay 122 kursi.

Justin Trudeau waxaa hadda laga sugaya dowlad wadaag ah maadama xisbigiisa uusan ku guuleysan cod aqlabiyad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor