Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa si kulul uga hadlay Qarax khasaaro badan gaystay oo Galabta lala beegsaday Golabtay, Ciyaartooy Kubadda cagta ah oo ka tirsanaa kooxda kubada Cagta JCCI oo Kismaayo ka dhisan.
Axmed madoobe ayaa u tacsiyeeyay dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland, gaar ahaan kooxda kubada Cagta JCCI oo qaraxa laal beegsaday, waxaana halkaas ku geeriyooday Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Axmed madoobe
Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.
Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.
Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.