Jubbaland oo War kasoo saartay Ciidanka cusub ee la geeyay Gedo, Digniina dirtay

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay Ciidamo, Hub iyo gaadiid dagaal oo shalay dowladda Federaaka Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxa lagu sheegay in iyada oo xaalado abaareed ay ka jiraan Gobolka Gedo ay dowladda Federaalka Gobolkaas ka abuureyso Colaad, xili laga sugayay inay geyso Gargaar lagu caawiyo dadka.

Jubbaland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in dowladda Federaalka ay xiligaan adeg Ciidamo ku daabusho Gedo oo ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka iyo doonaya, isla markaana ay jiraan dadka qaarkood oo nolosha ku adkaatay.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeysay inuu weli wado ku tumashada Dastuurka, isla markaana uusan weli ka waantoobin hurinta Colaada, sidoo kalena uu doonayo inuu jebiyo heshiis kasta oo looga gudbayo caqabadaha dalka ka taagan.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kalen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digay Mas’uuliyada wixii ka dhasha Colaada uu ka hurinayo dowlad Goboleedka Jubbalahnd, ayna taas ku noqon doonto xadgub aan weligiis ka harin.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor