Jubbaland oo soo saartay Amaro looga hortegayo Cudurka COVID-19

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo sabti ah soo saartay Amaro looga hortegayo faafida Cudurka halis ah ee COVID-19 oo siweyn ugu soo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa shacabka deegaanada Maamulkaas loogu soo rogay amaro looga hortegayo Cudurka.

Jubbaland ayaa qofka kasta fartay inuu qofka xirto (FaceMask) markii uu Gurigiisa kasoo baxayo ilaa iyo inta uu dib uga laabanayo, sidoo kale in la yareero isugu imaatinada shaqaalaha Maamulka iyo kuwo kale u shaqeeya Shirkaddaha gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale amarka ay soo saartay Jubbaland ayaa waxaa ku jira in Ardayda iyo Macalimiinta Iskuulada iyo Jaamacaddaha ay joogteeyaan Afxirka , isla markaana kala fogaadan Ardayda, xiliyada Cashirada ay qaadanayaan.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa fartay in qofka isaga shakiya inuu qabo Cudurka COVID-19 uu si deg deg ah u tego Xarumaha Caafimaad ee lagu baaro Cudurka, isla markaana la sameeyo wax kasta oo lagu xakameyn karo faafida Cudurka.

Hoos ka Akhriso Go’aamada kasoo baxay Maamulka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor