Jubbaland oo si kulul uga hadashay Go’aankii DFS ku ceyrisay Safiirkii Kenya

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Maxamuud Sayid Aadan  ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Gedo iyo Go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya dalka uga cerisay Safiirkii Kenya u joogay Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay Go’aankii ay safiirka ku cerisay, uguna yeertay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna sheegay in Kenya ay garan taagan tahay qaranimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan in dowladda Soomaaliya  iyada oo ka faa’iideysaneysa doorashooyinka kusoo wajahan ay rabto in ay iska hor keento shacabka labada dal, isagoona sheegay inuu Go’aankii la qaatay uu ahaa mid aan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayuu tilmaamay in Kenya ay dhaqaalahooda la garan taagan yihiin Soomaaliya oo dowladnimadeeda hanato, ayna ka qeyb yihiin la-dagaalanka Al-shabaab, waa sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.

‘’Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taaganyihiin in Somalia ay Dowladnimadeeda hanato, Argagaxisada dadka la tacaalaya ayey qayb ka yihiin, Kenya ciidankeeda Soomaaliya ayuu kula difaacayaa xarunta laga maamulana waa Xalane Muqdisho ayeyna kutaala , horta Xalane kasoo bixi, Xuduuda annaga ayey inoo furantahay 25,000 oo arday ayaa Mandheera wax ka barata oo Baladxaawa ka tagta’’ ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Jubbaland ayaa caddeeyay in Gobolka Gedo dowladda Federaalka ay ku heyso faragelin, aysan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dhici doonin ilaa iyo inta Gobolka laga saarayo Ciidanka dowladda, gacantana uga soo galeyso Maamulka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media