Jubbaland oo shaacisay kiisas hor leh oo ah Cudurka Coronavirus

Guddiga ka hortaga COVID-19 Jubbaland ayaa warbixin uu soo saaray maanta waxaa uu kaga  hadlay guud ahaan sida ay tahay xaalada guud ee deegaanada Jubbaland iyo saameynta COVID-19.

Guddiga ka hortega Cudurka Coronavirus ee Jubbaland ayaa shaaciyay in 10 kii xaaladood ee ugu dambeysay ee loo qaaday Magaalada Muqdisho 3 kamid ah noqdeen kuwo laga helay xanuunka COVID-19, halka 5 kalena ay noqdeen kuwo laga waayay, waxaana  wali baaris u dhiman tahay 2 kale.

Tirada guud ee dadka laga helay COVID-19 ee ku nool Jubbaland ee la xaqiijiyay ayaa noqonaysa 5 ruux waxaana xusid mudan in ay jireen labo ruux oo horraantii bishaan laga helay xanuunka.

Guddiga ayaa gabo-gobadii dadka kula dardaarmay in ay taxadar badan muujiyaan una dhaga nugladaan talooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu bixiso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media