Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ee SEIT ayaa shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lixda kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka dowladda Soomaaliya.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay Liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergooyinka dooranaya lixda kursi oo doorashadoodu maalmaha soo soacda la qabanayo.
Jubbaland ayaa habeen horey soo saartay Jadwalka doorashada lix kursti oo tirsigoodu kala yihiin HOP082, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203 iyo HOP217, waxaana doorashada kuraastan ay dhaceysaa 28-ka bishaan December 2021.
Jubbaland ayaa noqoneysa dowlad Goboleedkii u horreysay ee soo bandhigta Guddiga soo xulaya ergooyinka, taasoo furo u noqoneysa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.
Soo bandhigida Jubbaland ee Guddiyada xulista Ergooyinka ayaa ka duwan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug oo aan haba yaraatee soo bandhigin Guddiyada xulista ergooyinka, waana tan keentay in kuraasta qaar ee la doortay ay cabasho laga keeno, qaarkoodna dacwad laga gudbiyay.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiyada xulista Ergooyinka.