Jubbaland oo Saraakiil kala hadashay bilaabida howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka.

Ujeedka kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu dhiirigalinayey ciidamada ku sugan deegaannadaasi si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Goobaha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Saraakiisha Ciidamada faray inay dardar-geliyaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee Ciidamada ka sameeyaan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cisman Dhummaal, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor