Jubbaland oo Qaramada Midoobay kala hadashay xaaladdo taagan

Wafdi oo uu hogaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay,adaha UNHCR, WHO, UN OCHA iyo kuwo kale oo caalami ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ugu hortegay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo halkaas ku soo dhaweeyay, iyagoona loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa kulan gaar ah la qaatan wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ee uu hoggaaminayay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Kulankaan dhexmaray Maxamuud Sayyid iyo dhinacyada looga hadlay soo laba kaclaynta Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo sidii wax looga qaban lahaa Cudurka,

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda abaareed ee taagan deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo iyo deegaano kale, waxaana Maamulka uu Qaramada Midoobay ka dalbaday wax aka qabashada abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor