Jubbaland oo qaadacday Go’aankii Maanta ee Dowladda Federaalka

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaadacday Go’aankii Maanta kasoo ka baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ee ahaa in Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe u aqoonsan tahay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland muddo 2 sano ah.

War-saxaafadeed kasoo Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin cid go’aan ka gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland, si aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla markaana muddo xileedka hey’adaha loo doorto inay yihiin 4 sano.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ay rumaysan tahay in Dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalku ay qeexayaan hanaanka loo marayo Doorashada Hay’adaha Dowliga ah ee heer Dowlad Goboleed iyo mudada xil hayntooda” ayaa lagu yiqi Nuqul kamid ah Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dadaalada loogu jiro sidii Go’aan mideysan looga qaadan lahaa Arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka iyo dib  u eegista Dastuuka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media