Jubbaland oo magacaawday Guddiga Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacaabay Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka ee Jubbaland.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Maxamed ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga Baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 9-xubnood, kuwaasi oo dhammaantood ah Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanka sameeyay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka SEIT ee Jubbaland, kaas oo ahaa in Guddoonka magacaabo Guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin qabashada doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isla markaana ay ku qaban doonaan muddadii loo qorsheeyay oo aheyd 25-ka bishaan Julay 2021.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor