Jubbaland oo Maanta daah-furtay Xarun Cusub oo Maxkamadeed

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda darajada 1-aad ee Jubbaland gaar ahaan qaybta arrimaha dhulka.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa kormeer kusoo sameeyey qaybaha ay ka koobantahay Maxkamadda.

Intaasi kadib Madaxweyne kuxigeenka ayaa kulan la qaatay Guddoonka Maxkamada sare ee Jubbaland, iyo garsoorayaasha cusub ee Maxkamadda gaar ahaana qaybta arrimaha dhulka, iyadoo kulanka ay ka qaybgaleen Xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland iyo maamulka hay’adda dhulka Jubbaland, waxaana halkaasi lagu dhaariyey Garsoorayaasha cusub ee Maxkamada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo maxkamad u gaar ah arrimaha dhulka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media