Jubbaland oo ka hadashay dadkii Ciidanka Kenya ku dileen Gobolka Gedo

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii Ciidanka Kenya ay dhawaan ka geysteen duleedka Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Wasiir Janan oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Ceel-waaq ay kusoo wargeliyeen in dad shacab ah dhibaato loogu geystay deegaanka Yaaddo, isla markaana halkaas ay tegi doonaan si dhibaatada loo ogaado.

Waxaa uu sheegay Wasiirka amniga in Guddiga Maamulka Jubbaland uu u saaray baarista dadkii lagu laayay Yaaddo ay bilaabi doonaan baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo wixii dhacay, kadibna ay shacabka la wadaagi doonaan natiijada.

Wasiir Janan ayaa sidoo kale tilmaamay in loo sheegay in Ciidamo Kenyaati ah qarax geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula eegtay agagaarka deegaanka Yaaddo, kadibna ay dhibaato gaarsiiyeen dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga Jubbaland ayaa Carabka ku dhuftay in cidii ka dambeeysay falkii loo geystay dadkii shacabka ahaa  ay la xisaabtami doonaan, si mar kale aysan u geystan falkaas oo kale.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa maalmo kahor dad shacab ah si bareer ah ugu dilay duleedka Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, halka dad kalena ay qaab afduub ahaa u wateen, waxaana falalkaas ka dhashay banaanbaxyo ay dhigeen dadka Gobolka Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media