Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana laga helayaa faah faahin howlgalkaas.
Inta uu socday howlgalka Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay laba ruux oo Magaalada Kismaayo si qarsoodi ah u geliyay Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka, kadib markii xogtooda laga war helay.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in la qabtay maandooriyihii ay doonayeen in ay ka ganacsadaan raggaas, isla markaana raggaas lagu xiray Saldhig Ciidan oo ay ku socdaan baaritaano.
Sidoo kale saraakiisha Booliska Maamulka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in labada ruux ee gacanta lagu dhigay dhawaan la horgeyn doono Maxkamad, si sharciga loo marsiiyo.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu qabtay maandooriyeyaal badan iyo raggii ka ganacsanaayay, waxaana laamaha amniga ay digniin u direen dadka arrimahaas ka Ganacsada.