Jubbaland oo ammarro dul-dhigtay Shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas

Shir Jaar’id oo ay si wada jir ah u qabteen saraakiil ka tirsan Wasaaradda amniga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Bardheere ee Gobalka Gedo ayaa lagu sheegay in Dadka wada shaqaynta la leh Al-Shabaab aysan ku noolaan doonin degaannada Jubbaland.

Cumar Ibraahim Aadan, Madaxa Maaliyadda ee Maamulka Degmada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Shan Qof oo ka mid ahaa Labo shabakadood oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhanka dilalka iyo qaraxyada.

Wasiiru Dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa hoosta ka xarriiqay in wixii Maanta ka dambeeya aysan Odoyaasha degaanku shir u aadi karin goobaha ay joogaan Al-Shabaab, cidii ammarkan ka dhega adeegtana aysan dib ugu soo laaba karin Magaalada Baardheere.

“Waxaan ku guuleysanayay in aan gacanta ku dhigno Labo shabakadood oo kala ah kuwa dilalka iyoqaraxyada maleega, waxa ay qirteen inay falalka loo heysto ay ka fuliyaan gudaha Baardheere, haatan waxaa la marsiin doonaa waxa uu sharciga ka qabo” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor