Jubbaland iyo Puntland oo ka qeyb galaya Shirka ka furmaya Muqdisho

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka qeyb galaya Shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shirka uga qeyb geli doona qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka, waxaana sidoo kale sidaan oo kale uga qeyb galaya Madaxda kale ee maamul Goboleedyada oo lagu casuumay shirkaas.

Shirkaan oo ah Somalia Partnership Forum oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalkan, Arrimaha doorashooyinka, horumarada la gaaray iyo qorshayaasha soo socda ee DFS.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa Doorashada dalka, marxalada kala guuerka, amniga iyo caqabadaha jira, iyadoo wakiilada Beesha Caalamka loo gudbin doono muranka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inta uu socdo shirka inay ka jeediyaan khudbado kala duwan oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashooyinka dhacaya dhamaadka sanadkaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa intooba badan shir uga qeyb geli doona aalada loo yaqaano ZOOM-ka, halka xubno kalena ay goobjoog ka noqon doonaan shirka oo Maanta ka furmay Xarunta AMISOM ee Xalane ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media