Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay aqbaleen dalabkii maalin kahor uga yimid Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweynaha.
Xubno ku dhow Madaxtooyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha labada maamul ay Isbedel ku sameeyn doonaan Guddiyada doorashooyinka oo ay magacaabeen, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xafiisyadooda.
Madaxda labada maamul ayaa haatan qorsheynaya inay Isbedel dhab ah ku sameeyaan Guddiyada doorashooyinka ee ku metelaya Guddiyada doorashooyinka 2020/2021, kadib markii Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ay dalab u gudbiyeen, kaasi oo ahaa in la bedelo guddiyada ay magacaabeen.
Warar la helayo ayaa sheegaya in xubnaha afarta ee Puntland iyo Jubbaland ay u soo magaceebeen Guddiga doorashada heer Federaal ayaa waxaa ku jira xubno xilal haya, sida Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland iyo Hantidhowrka Guud ee Jubbaland.
Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa wada qorshe ka dhan ah Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, iyagoona shirweyne uga socda Caasimadda dalka Muqdisho oo ay uga hadlayaan Doorashada, sidoo kalena walaac xoogan ka qaba Guddiyada Doorashooyinka oo ay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.