Jubaland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalada Kismaayo

Maamulka Jubaland ayaa soo saartay awaamiir lagu mamnuucayo hubka lagu dhex qaato magaalada Kismaayo, si loo xaqiijiyo amaanka magaalada oo la filayo dhawaan in lagu qabto doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya ee laga doorto Jubaland.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan oggolaan doonin in Magaalada lagu dhex wato hub, isagoo intaa ku daray in awaamiirta Culus ee ka dhanka ah hubka Magaalada lagu dhexqaato ay kasoo bexeen shir ay yessheen Laamaha ammaanka Jubbland.

Waxaana horay u kulmay Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad Sugidda Jubbaland,kuwaasi oo soo saaray Awaamiirtaasi ka dhanka ah hubka lagu dhexqaato Magaalada, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in tallaabo laga qaadi doono cid waliba oo jabisa amarkaasi, waxaana Ciidanka iyo sidoo kale ilaalada Mas’uuliyiinta uu ugu baaqay in Hubka aysan lasoo dhaafin goobaha loogu tala galay, maaddama degaanada Maamulkaasi ay si toos ah uga billaaban doonta Doorashada xubnaaha Baarlamaanka ku matalaya Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor