Joe Biden oo shaaciyay in 4 July dadka Mareykanka ay ka xoroobi doonaan Corona

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.

Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.

Intii uu socday ololaha tallaalka ayaa waxaa mudnaanta la siinayay shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelada.