Joe Biden oo la saadaalinayo in xayiraadaha uu ka qaado Dalal ay ku jirto Somalia

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa qorsheynaya in marka ugu horeysa ee uu la warego xilka uu doonayo in uu joojiyo ka xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump uu saray in ka badan 10 dal, oo u badan waddamada muslimka ah.

Madaxweynaha la doortay wuxuu balan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal.

Bishii Oktoobar, Biden waxaa kale oo uu ballan-qaaday inuu ku riixayo siyaasiyiinta sharciyo lagula dagaallamayo tirada sii kordheysa ee la xiriirta dambiyada naceybka ah ee khuseeya Mareykanka.

Trump markii uu xafiiska qabtay waxa uu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya toddobo dal oo u badan Muslimiin in ay soo galaan Mareykanka.

Dalaka Soomaaliya,Liibiya,Iiraan,Suudaan,Yemen  iyo kuwo kale ayaa ka mid ah wadamada Mareykanku ay ku soo rogeen xayiraadaha dhanka socdaalka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media