Joe Biden oo la kulmi doona Ra’isul-Wasaaraha dalka Iraq

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Joe Biden bishan July 26-da kula kulmi doono RW Iraq, Mustafa Al-Kadhimi magaalladda Washington.

Afhayeeda Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa sheegtay inay Labada Hoggaamiye ka wada xaajoon doonaan Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Geesoodka ee u dhexeeya labadooda Waddan iyo Jadwalka shaqo ee Heshiiska Istaraatijiyada ee Maraykanka iyo Iraq.

Kulankawaxaa kaloo diirada lagu saari doonaa Arrimaha Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha,Caafimaadka, Tacliinta, Dhaqanka iyo Iskaashiga Deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Joe Biden iyo RW Iraq waxay kaloo ka wada xaajoon doonaan Dadaalada Wadajirka ee lagu xaqiijinayo in loo itaal-sheegtay Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor