Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xoghayaha difaaca u magacaabay janaan Lloyd Austin oo haatan howl gab ah.
Janan Austin, oo 67 sano jir ah, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka.
Janan Austin, oo hogaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray maamulkii Obama, wuxuu u baahnaandoona ansixinta aqalka congress-ka maadaama ay ka yartahay 7 sano markii uu howlgab noqday.
Go’aanka Mr Biden ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii uu ku dhawaaqay xubno kale oo sarsare oo ka tirsan kooxda amniga qaranka.
Mr Biden iyo Janan Austin ilaa iyo hadda kama aysan hadlin arrintan.