Jeneraal Xuud oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo ujeedka safarkiisa

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Jabhadda Hiiraan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay diyaarad kasoo qaaday Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Jeneraal Xuud oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Jeneraal Xuud uu u yimid Muqdisho ayaa waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadli doonaa Arrimo la xiriira Hirshabeelle.

Maalmo kahor Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Magaalada Baladweyne, iyagoona heshiis is af-garad ah ka gaaray xiisada Baladweyne iyo heshiis uu la galayo dowladda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xuud uu heshiis rasmi ah la gaaro dowladda Federaalka, isla markaana lagu qanciyo in uu ogolaado maamulka Hirshabeelle iyo in Baladweyne doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ka dhacdo.

Jeneraal Xuud ayaa mudo sanad ka badan diidanaa Maamulka Hirshabeelle, waxa uuna diiday in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe tego Magaalada Baladweyne oo dhowr jeer la isku dayey inuu tego.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor