Jeneraal Xuud oo si kulul kaga jawaabay eedayn kaga timid Maamulka Gobolka Hiiraan

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame oo loo garanayo Janaraal Xuud oo in muddo ahba ka soo horjeeday maamulka Hirshabeelle ayaa beeniyay in isagu uu lahaa mas’uuliyadda dagaal shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna sidoo kale beeniyay in uu xiriir kala dhaxeeyo ururka Al-Shabaab.

Janaraal Xuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Qowlad oo qiyaastii 12Km waqooyi uga beegan xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne uu ahaa mid lagu soo qaaday fariisamahooda.

Waxa uu dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamadiisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira Hirshabelle.

“Maammul la yirahdo Hirshabelle kama jiro Hiiraan . Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay”, ayuu yiri Janaraal Xuud.

Hadalkan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maamulka gobolka Hiiraan uu janaraal Xuud ku eedeeyay in uu weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo u socday hawlgal ka dhan ah ururuka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hirraan, Cali Jayte Cusmaan, oo la hadlayay warbaahinta ayaa janaraalka iyo ciidamadiisa ku eedeeyay in ay waddada u galeen ciidamada dowladda oo ku socday Al-Shabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor