Jeneraal Ibraahim Yaroow oo geeriyooday & Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Ibraahim Aadan Yarow oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door wanaagsan uu ka soo qaatay dhismaha iyo Tayanta Ciidamada Qalabka sida isagoona xilal kala duwan soo qabtay.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Aadan Yarow waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilal kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay Ciidamada qalabka sida, isagoona door muhiim ah ku lahaa dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Lafatagreen  ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor