Jeneraal Biixi “Askarigii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka Maxkamadda geyneynaa”

Taliyaha Ciidamada dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka, wuxuuna sheegay in askarigii qof shacab ah xabad ku rida in tiirka Maxkamadda la geynayo.

Taliye Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad lagu soo dhaweynayey Ciidamo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor oo tababar kusoo qaatay Turkiga ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin in Askari Ciidan uu dhibaateeyo shacabka.

Jeneraalka ayaa si Cad u sheegay in tiirka Maxkamadda Ciidamada la geyn doono Askarigii qof shacab ah oo aan waxba ka galabsan dila, isagoona tilmaamay in sida ugu shaqsiyaha badan tallaabo sharciga waafaqsan looga qaadi doono.

“Wxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo Warbaahinta kula hadlaayay Garoonka Aadan Cadde.

Biixi ayaa sheegay in habeenadan Muqdisho uu ka dhacayay falal amni darro oo aad u fool xun, kuwaas oo lagu dilay Sakariye Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan  oo walaalo ahaa iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo ay dileen Ciidanka dowladda.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xaqiijiyay in laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen Askartii xalay iyo habeen horey Caasimadda dalka ee Muqdisho ku dilay Dhallinyarada, kuwaasi sharciga la horgeynayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor